Waamaxay xikmadu?

 Asc 

Maqaalkan waxaan uga hadli doonnaa xikmada iyo waxa ay yahay 

Sidoo kale waxaan uga jawaabi doonnaa su’aalahan 

•waa maxay xikmad?

yaa ladhihi karaa waa xakiim ama waa qof xikmad leh?

•xikmadda malagu dhashaa Mise waa lakasbadaa?

•hadalwalba oo isku Yara aadan ma xikmadbaa say dhalinyarada maanta qaarkood aamisan yihiin ?





✓ WAAMAXAY XIKMAD?

Xikmadu waa nasiib Alle keeno.

Xikmadu waa fikir fiirsasho iyo fogaan arag xaqiiqo ku qotoma 

Markii lasoo koobo Xikmadu waa Shay qaaliya uu ALLE siiyo ciddii uudoono 

"يُؤتِي الْحِكْمَةَ مَن يَشَاء وَمَن يُؤْتَ الْحِكْمَةَ فَقَدْ أُوتِيَ خَيْرًا كَثِيرًا وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أَوْلُوا الأَلْبَابِ" (سورة البقرة) 269


✓ YAA LADHIHI KARAA WAA XAKIIM AMA WAA QOF XIKMADLE?

Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas horta aynu iswaydiino xikmada malagu dhashaa mise waa la kasbadaa?

Su’aashaas jawaabteeda oo kooban waa: xikmada laguma dhasho ee waa la kasbadaa 

•See lagu kasbadaa xikmad?

in uu qofku yeesho xikmad waxaa ka qaybqaata laba arimood 

1.Sida la ogyahay xikmada iyo garashada qofku waxay la jaanqaadaan bilawga noloshiisa aduunyo, taas macnaheedu waxa weeye in qofka ay saameyn ku leedahay wacyiga uu ku indha dilaacsado hadii uu qofku xaalada sabinimada kula kulmo dad iyo duni aan, nidaam, aqoon, iyo akhlaaq lahayn waxa habawda miisaankii fahamkiisa ee saxda ahaa, balse haduu la kulmo barbaarin fiican iyo wacyi la baraarugsanyahay oo aqooni dhex taalo wuxu noqdaa qof xikmad

2.Marka uu qofku yeesho cilmi iyo aqoon farabadan waxa ku dhalata inu sameeyo baadhitaano aqooneed taasoo uu kala dhex baxo inu fahmo waxyaabo ka dednaa oo ku duugan dunida iyo waxa dul saaran, sidoo kelena uu barto taariikhdii lasoo maray qiyaasna uu ku samayn karo waxa dhici kara mustaqbal aan la gaadhin, taasina waxay qofka bartaa inu si kooban u hadal ama ficil ugu taabto wax qeexid badan iyo wakhti u baahnaa.
















•Hadaba yaa ladhihi karaa waa xakiim?

Marka hore xikmad oo dhan alle ayay usugnaatay mana jiro xid sheegan karta xikmad dhamaynstiran alle mooyee lkn sida uu alle sheegay dadka qaar ayuu siiyaa xikmad qofkii xikmad lasiiyana waxaa lasiiyay khayr badan 

Qofka xikmada leh waa qof uu alle siiyay hibooyin iyo awoodo aragtiyeed oo dheeraad ah waana qof ka warqa taariiakhda umadihii hore iyo tahada taagan wuxuuna sii odorasi(saadaalin) karaa timaadada iyo mustaqbalka wixii dhici doona asagoo katusaala qaadanaya tagtadii iyo taaganta uu la nool yahay


✓ODHAAH KASTAAYI MA XIKMAD BAA?

Waxaa Jira qalad fahan ay dadka qaar gaar ahaan dhalinyaradu ka aamin sanyihiin xikmada waxaana iskaga darsama xikmada iyo odhaahyada iska caadiga ah 

Xikmadu waa odhaah kooban oo kaaga filnaanaysa war farabadan oo lagu daali lahaa waxaana macquula in aan horay loo fahmin odhaahda xikmada ah in laguu fasiro mooyee 

Insha’Allah maqaalkeena xika wuxuu noqon doonaa 10 odhaahyo oo xikmad leh 

MAHADSANID 


Post a Comment

0 Comments