Maqaalkan waxaan kusoo gudbin doonnaa 10 macluumo juqraafiyadeed oo ku saabsan caalamkan aan ku nool nahay oo lagayaabo in aadan horay umaqal.
FG: xayaysiisyada kuusoo muuqan doona waxay ku xidhantahay meesha aad joogto iyo browser ka aad isticmaalayso badanaa waxa aad ka raadiso!
Hadii aysan ku cajabinin refresh dheh.
Macluumada 1aad.
Ma ogtahay in dalka china laga helo magaalada ugu dhulka wayn caalamka? Waa magaalo lagu magacaabo nagqu oo dhacda dhanka waqooyi ee ismaamulka tibe waxay ku fadhidaa bad dhan 400,000 km2 (Afar boqol oo kun oo kiiloomitir oo labo jibaaran), waa magaalo kawayn dalka sweden oo ah dalka shanaad ee ugu dhulka wayn qaaradda yurub.
Macluumada 2aad.
Sidoo kale horay ma u maqashay in magaalada Tokyo oo ah caasimadda dalka Japan ay ku nool yihiin dad kor u dhaafaya 38milyan (sodon iyo siddeed milyan) oo qof waxayna ka dad badan tahay halkaas magaalo kaliya dalka Australia oo ah dalka 6aad ee ugu dhulka wayn caalamka, Tokyo iyo Australia bad ahaan waxaa shan mar dhul wayn Australia haddana magaalada Tokyo ayaa ka dad badan.
Macluumada 3aad.
Tuulada ugu magaca dheer qaaradda yurub waxaa laga helaa UK gaar ahaan Wales magaceeduna wuxuu u qormaa sidan “LLANFAIRPWLLGWYNGYLLGOGERYCHWYRNDROBWLLLLANTYSILIOGOGOGOCH”, markii laga soo tago in ay tahay tuulo aad u magac dheer haddana waa mid ay adagtahay in lagu dhawaaqo magaceeda.
Ma isku dayi kartaa adigu?
Macluumada 4aad.
Qaaradda koonfur-ameerika dhulkeeda 50% waxaa ku fadhiya hal dal oo ah dalka Brazil waana dalka shanaad ee ugu dhulka wayn caalamka wuxuuna xuduud la leeyahay dhammaan wadamada dhaca qaaradda koonfur-ameerika markii laga reebo labada dal ee kala ah Chile iyo Ecuador.
Macluumada 5aad.
Geedka ugu ballaadhan caalamka markii la fiiriyo badka uu ku fadhiyo waxaa laga helaa dalka india waa geed lagu magacaabo Great Banyan wuxuuna daboolaa halkaas geed bad gaadhaya 14,500 mitir2 ama 14km cimrigiisana waxaa lagu qiyaasaa 250 sano.
Macluumada 6aad.
Dalka Suriname oo dhaca woqooyi-bari qaaradda koonfur-ameerica waa dalka ugu kaymaysan caalamka celcelis ahaan, waxaa la sheegaa in 94% dalkaas ay ku daboolan yihiin kaymo, inta badan dadka dalkaan waxay ku noolyihiin dhanka xeebaha.
Macluumada 7aad.
Haddii uu dalka Suriname uu yahay kan ugu kaymaysan caalamka Sidoo kale dalka Liibiya waa dalka ugu saxaraysan ama ugu lama-dagaansan caalamka waxaana dalka Liibiya la sheegaa in 99% uu yahay dhul saxaro ah waxaana jira goobo kamida dalkaan oo aan helin muddo kabadan 10 sano wax roob ah.
![]() |
Sawir muujinaya saxaraha liibiya |
Macluumada 8aad.
Dalka Bangladesh oo ah dal dhaca koonfurta qaaradda aasiya waxaa ku nool 170milyan (boqol iyo todobaatan milyan) oo qof, dalka ay waxaas oo dad ah ku nool yihiin badkiisu waa 148,000km2 oo kaliya, 115 mar ayuu ka dhul yaryahay Ruushka haddana isaga ayaa ( waa Bangladesh e) ayaa ka dad badan.
Macluumada 9aad.
Dalka koonfur-afrika waa wadanka ugu caasimadaha badan ee caalamka wuxuu leeyahay sadex caasimadood oo kala ah cape-town pretoria bleomfontein,
Taas casksigeeda waxaa jira wadan aanan lahayn wax caasimad rasmi ah waana dalka Naure oo dhaca dhanka waqooyi-bari ee Australia, dalkani Naure malaha wax caasimad ah oo dastuuurka dalkaasi qeexayo laakiin inta badan xukuumaddu waxay ku shaqaysaa dagmada Yaren.
Macluumada 10aad.
Duulimaadka diyaaradeed ee aan hakadka lahay ee ugu dheer caalamka wuxuu socdaa 19 saac oo xidhiidh ah waana duulimaadka u dhexeeya magaalada New york iyo Singapore.
Mahadsanid
Lasoco qaybta xigta...
Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga
Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho
Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh
https://wa.me/251940452044
www.ogaalkay.com
0 Comments