Ogoow Danbiilaha| 9 Ka Qodob Ee Ay Isticmaalaan Danbi-Baadhayaashu
In faldanbiyeed lagaystaa waa wax ka jiray aduunka illaa billowgii nolosha laakiinse in danbiiluhu uu ka baxsado caddaalada waa mid aad u adag hadii aysan jirin ismooganaysiin ama cadaalad darro
Waxaa jira dad khubaro ku ah in ay soo saaraan dadka faldanbiyeedka gaystay waxaana loo yaqaannaa {danbi-baadhayaal}
Maqaalkeenna maanta waxaynu ku eegi doonnaa 9 qodob oo ay adeegsadaan danbi-baadhayaashu si ay u ogaadaan danbiilaha.
QODOBKA 1AAD:
Ilaalinta goobta uu danbigu ka dhacay: haddii dadka oo dhan loo ogalaaado in ay kasoo agdhawaadaan ama ay yimaadaan goobta uu danbigu ka dhacay waxaa lagayaabaa in ay baaba’do cadayn lagu heli lahaa danbiilaha sidaas darteed waa in goobta uu ka dhacay faldanbiyeedku ay ka caaganaataa dadka danbi-baadhayaasha mooyaane.
QODOBKA 2AAD:
Waa in waraysi laga qaadaa markhaatiyada iyo dadkii ka agdhawaa goobta uu fal-danbiyeedku ka dhacay, waxaana habboon in waraysigaas loo duubo hab maqal iyo muuqaal ba leh si hadhow uu san iskugu dayin markhaatigu in uu badalo hadalkiisa dano jira awgeed.
QODOBKA 3AAD:
Uruurinta cadaymaha muuqada: danbi-baadhayaasha waxaa waajib ku ah in ay uruuiyaan cadaymaha muuqda ee lagahelo guubta uu falku ka dhacay sida:- taleefan,gacmo-gashi,qaraaxad,mindi iyo wixii lamida si looga tixraaco DNA-da ama faraha lagahelo qalabkaas dushiisa.
QODONKA 4AAD:
Falaqaynta xogta forense-ga: waa in falanqayn lagu sameeya waxa ay soo gudbiyeen dadka loo yaqaano {FORENSE} “oo ah danbi-baadhayaashii tagay goobta uu danbigu kadhacay”, si loo ogaado wax caddayn ah oo la xidhiidha danbiilaha.
QODOBKA 5AAD:
Dib u eegista kaamirooyinka CCTV-ga: maanta in badan waxaa sahla in lahelo cadaymo lagu ogaan karo danbiilaha ama looga shakin karo kaamirooyinka wax basaasa ee CCTV-yada, sidaas darteed waa in dib u daawasho lagu sameeya kaamirooyinka ku dhagan meelaha u dhaw goobta uu faldanbiyeedku kadhacay.
QODONKA 6AAD:
In din u eegis lagu sameyaa taariikhda qofka danbiga looga shakisan yahay: si loo ogaado in eedaysanuhu uu horay u gaysatay danbi lamid ah kan maanta la baadhayo ama uu taariikh xun ku leeyahay dhanka danbiyada taasina waxay sahlaysaa in si buuxda loo ogaado shakhsiyadda eedaysanah.
QODONKA 7AAD:
In la dhiso ama la diyaariyo kiiska: waa in la diyaariyaa oo la u ruuriyaa faylalka iyo cadaymaha ku saabsan kiiska si ay u sahlanaato in la baadho ama la isku xidhxidho dhacdooyinka kiiska dhexdiisa ka dhacay.
QODOBKA 8AAD:
Waa in lasoo xidhaa qofka daniga looga shakisan yahay: booliska waxaa waajib ku ah in ay soo xidhaan qofka looga shakisan yahay danbiga iyada oo loo sheegayo sababta loo xidhayo.
QODOBKA 9AAD:
Xeer-ilaalinta iyo dacwo qaadista: qofka dabi-baadhaha ah waxaa looga baahan yahay in uu soo bandhigo caddaymihii uu soo uruuriyay oo uu horkeeno maxkamadda horteeda, si loogu caddeeyo eedaysanaha danbiga uu galay, loona mariyo ciqaabta uu mutaystay.
Intaas waaxaa inuugu eg maqaalkeenna maanta oo aan uga hadlaynay sagaalka qodob ee ay adeegsadaan danbi baashayaashu si ay u ogaadaan qofka sida dhabta ah danbiga u gaystay.
Haddii aad halkan nala soogaadhay MAHADSANID
Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga
Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho
Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh
0 Comments