Sababihii Keenay Burburkii Casrigii Dahabiga Ahaa Ee Muslimiinta
Maqaalkan waxaan uga hadli doonnaa burburkii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta iyo sababihii ugu waawaynaa ee keenay.
Qaybtan qaybtii ka horaysay oo aan ugu hadalnay casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta halkan ka akhriso.
Burburkii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta wuxuu ahaa burbur qaatay wakhti dheer wuxuuna sababsaday waxyaabo kala duwan, sababihii keenay burburkii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta waxaa kamid ahaa uguna waawaynaa:
Duullaankii Tataarka: mid kamid ah sababihii keenay horseedka iyo billowgana u ahaa burburkii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta wuxuu ahaa duullaankii ay mangooliyiintii tataarka ku soo qaadeen dawladdii ugu xooganay bariga-dhexe iyo dhulalka muslimiinta ee cabbaasiyiinta qarnigii 13aad, tataarku waxa ay burburiyeen caasimaddii dawladdii cabbaasiyiinta ee baqdaad waxayna dhulka dhigeen awooddii cabbaasiyiinta, waxay dhulka kudareen magaalooyin waawayn waxa ayna dileen malaayiintii qofood ee ku noolayd dhulalkaas.
Sidoo kale tataarku waxa ay hoos u dhigeen hormaraddii cilmiyeed iyo dhaqaale ee ka jiray dhulalka islaamka, sidaas darteed waxa ay tataarku sabab u noqdeen billawga hoos udhicii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta.
Dhibaatooyinka Gudaha Ah: dullaankii tataarka ka dib muslimiinta dhexdooda waxaa ka billowday qalalaaso dhanka gudaha ah, loollan siyaasadeed, is qab-qabsi dhanka maamullada ah, hoos u dhac dhaqaale waxa ay sabab u noqdeen in kalatag iyo iska hor imaad uu ku billowdo muslimiinta dhexdooda.
Sidoo kale khilaafkii u dhexeeyay muslimiinta sunniga ah iyo shiicada wuxuu carqaladeeyay midnimadii dadyowga muslimiinta ah.
Dagaaladii Saliibiyiinta: iyada oo ay dhibaatooyin dhanka guda ah ka dhexjiraan muslimiinta waxaa dagaallo hubaysan oo taxane ahaa ku soo qaaday dhulalkii muslimiinta kirishtaankii reer yurub, hadafkooduna wuxuu ahaa in muslimiinta laga qaado masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.
Daagaalladii saliibiyiintu waxay kordhiyeen colaadihii u dhexeeyay muslimiinta iyo masiixiyiinta, waxayna ahaayeen dagaallo in badan soo noqnoqday kirishtaankii reer yurubna ma aysan ka daalin isku dayga qabsashada magaalada qudus iyo masjidka Al-Aqsaa.
Si Kooban: burburkii casrigii dahabiga ahaa ee muslimiintu wuxuu ahaa burbur dheer oo daba jiitay mana jirto hal sabab oo gaar ah oo keentay burburkaas, sababahaas aan soo xusnay iyo kuwo kale oo isku tagay ayaa la dhihi karaa waxay keeneen burburkii iyo hoos u dhicii waayihii muslimiinta.
Haddii aad maqaalka ka heshay sii faafi.
mahadsanid
Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga
Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho
Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh
0 Comments