Casrigii Dahabiga Ahaa Ee Muslimiinta

 Casrigii Dahabiga Ahaa Ee Muslimiinta


Casrgii dahabiga ahaa ee muslimiintu wuxuu ahaa cilli soo jiidasho leh oo hormar iyo hal abuurba muslimiintu dunida ay ku hogaaminayeen, waxa uuna casrigani u dhexeeyay qarniyadii 8aad illaa 13aad casrigani dahabiga ah wuxuu astaan u ahaa hormarka ay ka gaadheen muslimiintu cilmiyada: 

-sayniska

-xisaabta

-falaga

-caafimaadka

-farshaxanka

-Ganacsiga

-iyo dhaqanka.

Casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta


dhanka iyo xisaabta

muslimiintu waxay daahfureen aqoon cusub  sida: xisaabta aljabrada, xisabtani casriga ah ee maanta meel walba lagu dhigo waxaa aasaasay hormariyayna aqoonyahanno muslimiin ah sida: alkhawaarismi.

Dhanka fiisigiskana: 

ibnu al-haytham wuxuu sameeyay tijaabooyin dhanka illayska iyo aragtida, waxaana maanta loo yaqaannaa aabaha cilmiga objactiska waxaa uuna sabab u noqday in la soo saaro qalabyada kala duwan ee ku shaqeeya illayska sida: kaamirooyinka.

Dhanka iyo cilmiga falaguna: 

waxa ay muslimiintu sameeyeen qalabyo aad u hormarsan oo lagu xisaabiyo dhaqdhaqaaqa xidigaha hawada sare, cilmigani falaga iyo xidigaha majirto cid muslimiinta kaga horaysay dunida.



Dhanka iyo farshaxankuna: 

muslimiinta illaa maanta waxaa lagu xasuustaa qaab-nashqadaynta dhismayaasha taariikhiga ah ee dunida sida: dhismaha masjidka umayyad ee ku yaalla magaalada dimishiq, dhisidda qasriga alhamra ee garanada-spain, maktabadda bayasid ee ku taalla istanbul, kuwani waa qaarkamida dhismayaasha taariikhiga ah ee muslimiitu ay dhiseen casrigii dahabiga ahaa.

Dhanka ganacsiga: 

muslimiintu waxay gacanta ku hayeen waddooyinkii ugu muhiimsan caalamka ee uu ku kala goosho ganacsiga caalamiga ahi, tanina waxa ay door way ka qaadatay in diinta islaamku ay ku faafto dunida dacalladeeda iyo in ay safarlaydu jeclaadaan dhulalkan ay muslimiintu ka taliyaan.

Dhanka dhulka: 

muslimiintu waxay ka talinayeen qaybo badan oo aduunka kamid ah sida: qaaradda yurub illaa spain ay ka gaadheen, badanka qaaradda aasiya iyo qaybo badan oo kamida qaaradda afrika. 

Casrigani dahabiga ahaa ee muslimiinta boqortooyooyinkii ugu caansanaa waxaa kamid ahaa:

-khilaafadii cabbaasiyiinta 

-boqortooyadii umayyad-spain

-dawladdii faadimiyiinta-masar

-boqortooyadii saljuuq-anaaduul

-boqortooyadii dalhi-hindiya

Ugu danbayn:

casrigii dahabiga ahaa ee muslimiinta waxaa ku billowday burbur iyo hoos u dhac, burburkaasi wuxuu ahaa mid qaatay sanado badan oo ay keeneen waxyaabo badan oo isbiirsaday.

Insha’allah maqaalkeenna xiga ayaan uga hadli doonnaa burburkii casirii dahabiga ahaa ee muslimiinta iyo waxyaabihii keenay.

Haddii aad maqaalka ka heshay sii faafi.

mahadsanid


#xayaysiis

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga

Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho

Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044
www.ogaalkay.com


Post a Comment

0 Comments