8-da Qaab Juquraafiyadeed Ee Dhulka Soomaalidu u Qaybsamo

8-da Qaab Juquraafiyadeed Ee Dhulka Soomaalidu u Qaybsamo

 

Dhulka soomaalida muuqaal ahaan iyo cimilo ahaan waxaa loo qaybiyaa 8 nooc juquraafiyadeed oo kala gadisan. waxaynuna maqaalka maanta ku eegi doonnaa 8-daas nooc ee uu u qaybsamo dhulka soomaalidu.




Nooca 1aad: Xeebta.

Xeebtu waa dhul badda ku teedsan waana bacaad xaani ah waana dhul aysan ka bixin baad wax tar leh milixda oo kubadan aygeed, xeebtu waxay u dhaxaysaa biyaha badada iyo qawga uu barrigu ka billowdo. waana dhul laga helo milixda iyo macdano kale oo kala gadisan.

 

Nooca 2aad: Deex.

Deex waxaa loo yaqaannaa dhulka ciid cadda ah ee ku teedsan xeebta. kulaylka, milixda iyo roobabka oo aad ugu yar darteed dhir dhaadheer kama baxdo, waana bannaan laga arki karo illaa iyo boqollaal mitir waxaana kabaxa noocyada kala duwan ee geed gaabka ah.

 

Nooca 3aad: Guban.

Guban waa dhulka u dhexeeya buuraha golis ee badda cas.  cimilo ahaan waxay u dhawyihiin deexda koonfureed heer-kulkooduna waa mid aad u sareeya waaxana kabaxa geed abaareedka dhaadheer ee qudhaca iyo noocyo kale oo geedo ah, inta badanna waa dhul oomane ah.

 

Nooca 4aad: Oogo.

Waa dhulka ka durugsan badda cas iyo buuraha ku dheeraran waa taag sare oo cimilo ahaan dhexdhexaad ah badankana gu’ga iyo dayrtuba wuu ka da’aa roobku waana dhul dalsan ah oo daaqa hodan ku ah kuna wanaagsan dhaqashada xoolaha.

Nooca 5aad: Dooxo.

Dooxo waa dhulka ay togagu maraan ee u dhexeeya buuraha iyo oogo-da, dooxu wuu ku yaryahay gobalada koonfurta balse wuxuu ku badan yahay gobolada waqooyi iyo kuwa dhexe. dooxyada ugu caansan waxaa lagu tilmaama in ay yihiin dooxa nugaal iyo dooxa orari waxayna ku wanaagsan yihiin guud ahaanba dhaqashada xoolaha gaar ahaan nugulka u baahan biyo joogto ah.

 

Nooca 6aad: Hawd.

Hawd waa dhulka leh ciidda cas waxaana ka baxa oo ku badan geedaha qodaxda le.h meelaha qaar waa kaymo jiq ah waxaana ka da’a roobab xaddi leh, barkadaha xareedda lagu kaydsado mooyaane biyaha kale waa ku gabaabsi sababtoo ah qodista ceel-gacmeedyadu kuma sahlana dhulka hawdka ah, riigaga dhaadheer mooyaane.

 

Dhulka hawdka ah xilliyada barwaaqada waxaa laga heli karaa baad barqo dharag ah waana dhul ku fiican dhaqashada xoolaha inkastoo nugulku ku yaryahay.


Sawir muujinaya dhul hawd ah



Nooca 7aad: Dhoobeey.

Waa dhulka ku teedsan jiinka wabiyada carradiisuna waa dhiiqo madow oo aysan dagdag biyahu uga gudhin, xilliga roobabka xoogani ay da’aan ee uu wabigu barriga ku fataho waxaa dhulka dhoobayda ah ka dhasha duqsi/tixsi ga xoolaha wax yeelaaya ee gobolada qaar looga yaqaanno sadexda magac ee kala ah gendi, riibi iyo nuug.

 

Waxaa kaloo ka dhasha dhulka dhoobeeyda ah noocyada kala duwan ee kaneecada taas oo faafaafisa cudurka duumada, sidaas tarteed dhulka dhoobayda ahi kuma haboona taranka iyo caafimaadka naflayda. laakiinse dhoobeeydu waxay hodan ku tahay wax soo saarka tacabka beeraha.

Nooca 8aad: Dooy.

Dooy-gu waa dhul gabiib ah oo muuqaal ahaan ka ag dhaw Hawdka wa uu ku yaallaa gobolka jubada sare, muuqaal ahaan waa dhul leh ciid cas oo ay kayntu ku badan tahay waxaana sida Hawdka kabaxa geeedaha qodaxda leh, guud ahaan waa dhul dalsan ah oo aan lahay qaniin xoolaha cudur ku rida. wuuxana ku habboon yahay dhaqashada guud ahaan xoolaha gaar ahaan geela iyo riyaha.

Intaas waxaa inoogu dhan maqaalkii xiisaha badnaa ee aan ugu hadlaynay 8 nooc juquraafiyeed ee uu dhulka soomaalidu u qaybsamo. haddii aad maqaalkan ka heshay sii faafi kuna soo biir boggeenna facebook ee ogaalka.

 

MAHADSANID

 

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga

Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho

Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

https://wa.me/251940452044
www.ogaalkay.com


 

 



Post a Comment

0 Comments