Burburka Israa’iil 2027 Dhamaadka Guumaystaha

 Burburka Israa’iil 2027 Dhamaadka Guumaystaha

Yuhuuda ayaa sheega in taariikhdooda ay yeesheen sadex dawladood labo kamida waxay burbureen intaysan gaadhin 80 sano dawladooda sadexaan oo ah tan hadda jirta ee israa’iil waxay maraysaa sanadkii 75aad Dulaankii xamaas ay ku qaaday guumaystaha israa’iil 7dii bishii hore ee lamac baxay Duufaanta Aqsaa ayaa soo nooleeyay cabsidii yuhuudu ay kaqabeen in dawladoodan hadda jirta ay burburto inta aysan gaadhin 80 sano Maqaalkeenan waxaan ku eegi doonnaa labadii dawladood ee hore we ay yuhuudu samaysteen iyo qaabkii ay u burbureen inta aysan gaadhin 80 sano waxaan kaloon eegi doonnaa mustaqbalka sugaya dawladda guumaysiga ah ee israa’iil soodhawaada

Boqortooyadii Nabi Daa’uud Cs

Yahuuda waxaa soo martay labo boqortooyo tan 1aad ayaa ahayd boqortooyadii uu aasaasay nabi daa’uud cs ugana danbeeyay hogaaminteeda nabi sulaymaan cs boqortooyadan ayaa jirtay 80 sano sanadkii 81aad waxaa kadhex bilowday dagaallo sokeeye oo boqornimada la’isku haystay dagaaladaasi waxay sababeen in boqortooyadu ay u kala jabto labo boqortooyo oo isku cadaw ah waxayna kala ahaayeen boqortooyadii yahuuda iyo boqortooyadii israa’iil laban boqortooyo iyaguna masii raagin sanado yar kadib waxaa cagta mariyay oo lawareegay gabi’ahaan toodba boqorkii nabuukhad nasr.

Boqortooyadii Xashmuu Naa’iimB

oqortooyada labaad ee yuhuuda soo martay ayaa ahayd boqortooyadii xashmuu naa’iim boqortooyadan waxaa la’aasaasay sanadkii 167aad ee miilaadiyada ka hor (2190 sano kahor maanta) boqortooyadan ayaa xukumaysay yuhuuda 77 sano intaas kadib sanadkii 37aad ee miilaadiga kahor (2060 sano kahor maanta) waxaa burburburiyay boqortooyadii roomaanka yahuudana waxaa loogaystay xasuuq ba’an halkaasna waxaa ku soo idlaaday boqortooyadii labaad ee ay yuhuudu yeeshaan taariikhdooda.

Sawir khiyaali AI-ah


Israa’Iisha Maanta Iyo Mustaqbalkeeda

Dawladda hada jirta ee israa’iil waa isku daygoodii 3aad oo ay ku doonayaan in ay ku samaystaan boqortooyo ama dawlad midaysa oo kulmisa dhamaan yuhuuda caalamka lkn dad badan oo kamida yuhuuda ayaa aaminsan in dawladoodan aysan gaadhi doonin ama aysan dhaafi doonin 80 sano sidii ku dhacday labadii dawladood ee ka horeeyayba Waxaa jira khilaafaad xoogan oo ka dhex jira yuhuuda dhexdooda inta aanan lagaadhinba falastiiniyiinta iyo muslimiinta ay is hayaan waana ta sababaysa cabsida ay yuhuudu ka qabaan in ay burburto dawladoodu Guumaystaha israa;iil ayaa ah dawlad ku dhisan khilaaf iyo ismaandhaafsanaan xoogan oo u dhaxaysa dadkeeda waxay kulmisay dad kala isir,aragti,dhaqan iyo fikir duwan xittaa diintooda yuhuudiyada ee ay haystaan ma aha mid midaynaysa dhamaan yuhuuda oo dhan balse waa diin siikala fogaynaysa oo qaybtood siinaysa maamuus iyo sarayn qaybta kalana liidaysa

Gabagabadii: mid kamida halista ugu wayn ee ay wajahayso dawladan guumaysiga ahi markii laga soo tago dagaallada iyo iska caabinta ay ku hayaan falastiiniyiintu iyo mujaahidiintu waa khilaafaadkeeda gudaha ah

Hadaan nahay muslimiin waxaan rajaynaynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u burburto dawladan guumaysiga ah walaaleheen falastiiniyiintuna ay soo ceshtaan dhulkii iyo amaankii ay ka xoogeen yuhuuudda daalimiinta ahi

Hadii aad halkan nala soo gaadhay mahasanid waxaan filayaa in maqaalkan uu waxuun kuu bidhaamiyay markale MAHADSANID

Hadii aad tahay qoraa, falanqeeye sports, wariye madax banaan ama qof bulshada ugu jira kaalin muhiim ah ama aad jeceshahay inaad internet ka kashaqaysatid kaliya adiga oo maqaallo qoraya waxaad ubaahantahay meel aad kusoo bandhigtid hibadaada dahsoon kagana macaashtid lacag adigoo bulshadaada ufaa'iideynaya waa in aad leedahay website kaas oo aad ku soo bandhigtid wax qabadkaaga 
Haddaba waxaan Diyaar kuula nahay in aan kuu samayno website 100% dhamaynstiran oo Diyaar u ah in AdSense ga lagu xidho

 Adeegyada aan kuu qaban doono
✓samaynta website blog (WordPress) ah oo dhamaystiran
✓saari taanka design quruxbadan
✓domain name free ah
✓theme caalami ah
✓caawin iyo talo joogto ah
✓iyo wax kasta oo ku saabsan blog-ga
hadii aad doonayso nagala soo xidhiidh

Post a Comment

0 Comments