Wiilkii Roodhida ( Rootiga )
Maalin maalmaha ka mid ah, wiil yar oo rooti iibin jiray ayaa waxa uu dhawr saacadood ku hoos socday kulaylka cadceedda, iyadoo aanay cidina u joojin inuu rooti gato.
Wuu niyad jabay, daalay oo xanaaqay.
Markaas ayuu is yiri "Waxaan xoogaa nasiino ah ku qaadanayaa meel hoos ah, ka dibna waan sii wadi doonaa. Waxaa laga yaabaa inaan nasiib yeesho oo aan iibiyo rooti."
Waxa uu si bareer ah isku dayay in uu xaalka jiro iska indho tiro si uu rajadiisa kor ugu qaado. Inta uu dariiqyada wareegayay, oo meel uu ku nasto raadinayey ayaa islaan da’ ah baa is hortaagtay. Waxayna ku tiri
"Waxaad u egtahay qof daalan, oo aan haddana weli iibin rooti." Inankii baa hoos u yiri. "Maxaad ii soo jeedinaysaa inaan hadda sameeyo, marwo?"
*SOO KOOBIDA BUUGGA "LOOLLAN" QAYBTII 1aad
*XAQULCIIDKA IYO TAARIIKHDIISA
Islaantii da’da ahayd ayaa tiri "Waxay ahayd in aad mar hore iska quusato. uma eka in aad maanta iibin doonto rooti. Waa inaad gurigaaga tagtaa, Mise waxaad doorbidi lahayd inaad maalinta oo dhan dhex mushaaxdo si aan loo baahnayn jidadka?..."
Wiilkii hadal la’aan ayuu noqday isagoo eegaya islaanta da’da ah oo sii socota. Isla markiiba, nin dhallinyaro ah oo meel u dhow taagnaa oo hadalka gaaban maqlayay, ayaa u soo baxay inankii rootiga asagoo ku yiri.
"Waxay ila tahay inay saxan tahay, waxay ahayd inaad mar hore joojiso. Miyaadan arkayn sidaad u daalan tahay, waxay kuu ahayd maalin iib xumo, wax aad ka qaban kartaana ma jirto, kaliya guriga tag hadda, haddii kale waad xanuunsan doontaa."
Wiilkii ayaa si lama filaan ah u dareemay niyad jab iyo jahawareer. Isaga oo wax yar aan rajo ka qabin in uu iibiyo rootigiisa, waxa uu go’aansaday in uu maalintaas ka quusto. Markaa wuu soo jeestay oo markiiba baxay.
Inyar kadib markii wiilkii uu tagay, Nin baa gaarigiisii wadada soo maray, isagoo koox dad ah weydiiyey.
"Miyaad aragteen ilmaha rootiga ku iibinaya hareeraha waddooyinka, waxaan rabaa inaan ka iibiyo rootigiisa oo dhan si aan u quudiyo carruurta ku jirta xarumaha agoomaha."
Qof baa ku jawaabay. "Waxaan u maleynayaa inuu mar hore ka xarooday shaqada maanta."
Dulucda Sheekada maxay tahay.?
Rumayso waxa qalbigaagu kuu sheego, ha rumaysan waxa dadka kale ku yiraahdaan. Sidoo kale, si degdeg ah ha u quusan. Mararka qaarkood waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa wakhti yar oo dheeraad ah. Samir sameey.
Waad ku mahadsan tahay akhrintaaada.
Hadii aad ka heshay website keena sii faafi link website
https://ogaalka0.blogspot.com/
https://www.facebook.com/OGAALKA17
Was page aad ka helaysid maqaallo Tayo leh
0 Comments