SOO KOOBIDDA BUUGA LOOLAN(sun tzu)
QAYBTII 2AAD
Waa qaybtii 2aad maqaaladii aan
kusookoobaynay buuga LOOLLAN
Wuxuu kuleeyahay "SUN TZU"
-Markuu nacabkaagu nasanayo NAFTA kudhib oo hasiin fursad uu kunafiso haddii colkiisu uruursan yihiinna kalafirdhi
-jananka dagaal ka libqaata waa nin xisaabo badan kusii dajistay saldhiggiisa kahor intuusan dagaalka usoo banbixin.jananka dagaalka lagu jabiyaana waa nin aan arimo badan kusii xisaabtamin dhubuqdhubuq horena dhabannahays danbe ayay leedahay
-sidaa awgeed markastoo xisaabahaagu bataan waa Mar kastoo guusha aad hantido.markastoo xisaabahaagu yaraadaanna waa Mar kastoo jab lahuleesho
-saas darteed aniga oo kaduulaya sida uu jananku u tixgaliyo xisaabaha uu maanka gashanayo waxa aan hadda cadayn karaa ninka dagaalka ku jabaya iyo ninka libinta kugeeraaraya."SAADAAL WAAYEELNA HUBANTI SUBURDHE KA SED ROON"(suburdhe micnihiisa comment-ga 1aad kafiiri)
*Waxaa inoo dhamaaday cutubkii koowaad
MAQAALLO HORE
•ROOTIILIHII RAFAADA! SHEEKO XIISO LEH
•SADEX DHACDO OO LAYAABLEH! yaabka yaabkii!
CUTUBKA 2AAD"DAGAAL-OOGiSTA"
•wuxuu kuleeyahay *sun tzu*
-markuu duullaanku kaa dhab yahay haddii ay guushu daba dheeraato hubka ciidanku Wuu hawlgabaa hiyigooduna Wuu damaa.kolka aad magaalo go'doomisana adiga ayaa xooggaaga wiiqay
-haddii aad dagaal uhanqal taagto degdeg kugal oo ku gebagebee
-sidaa awgeed; in kastoo aynu maqalnay hoogga ka dhasha dagaalka dhubuqdhubuqda iyo degdega lagu Galo haddana xirfada dagaal Kuma xidhna dib udhigida muddada colaadda
-sooyaalka laguma hayo wadan inta uu dagaalo daba dheeraaday galay lib ka daadahaystay
-saanada dagaalka ka Soo qaado xaruntaada balse qadhaabka iyo quudka ciidanka ka xoog cadowgaaga sidaas ayuu colkaagu kuhelayaa cunto kufilan iyo mid ka badanba
-ciidanka oo meeldhow kadagaallama waxay kicisaa badeecadda Dalka,sixir bararkaasina shacabka ayuu fuuqsadaa sidaa daraadeed; waxaa haboon haddii CIIDAN kugu Soo fool yeesho aad halka uu joogo kaga duldegto intii uu gudahaaga kugu xasuuqi lahaa.
-sidaa awgeed, jananka murtii laha ahi waxa uu quudhka iyo qadhaabka ciidanka kaga talagalaa in uu ka Helo qaniimada uu cadowga ka fara maroojiyo.
-xeelada noocaas ah ayaa loogu yeedhaa: ku korodhsiga saadkaaga sahaydii cadaawaha.
-waxaa halkaas laga dhadhansanayaa in uu hoggaamiyaha colku maduuli kayahay nolosha dadweynaha.isaga ayaa loo aanaynayaa hadba halista iyo hoodo ta ay bulshadu ku bariisanayso.
Si aad u akhrisatid maqaaladii hore TAABO HALKAN
LASOCO QAYBTA XIGTA
Hadaad wax kafaaiiday website keena fadlan sii faafi link giisa👇
https://ogaalka0.blogspot.com/
https://www.facebook.com/OGAALKA17
Was page aad ka helaysid maqaallo Tayo leh
0 Comments