SOO KOOBIDA BUUGGA "LOOLLAN" QAYBTII 1AAD

 LOOLLAN "XEELADAHA DAGAALKA"(qaybtii 1aad)


Waa qaybtii 1aad maqaallo taxene ah oo aan kusoo koobi doonno dhiganaha LOOLLAN 










Cutubka 1aad "dajinta qorshayaasha"


Wuxuu kuleeyahay "sun Tzu" 

-Aqoonta dagaalku waa rukunka ugu mudan jiritaanka dowladda balse sooyaalka laguma hayo arin dagaalka kahoog iyo halaag badan 


-hadii aad rabto inaad ku kaliyaysato guusha goobta waa inaad ku xisaabtantaa Shantan qodob oo go'aamiyinaysa cida gacansaraynaysa 

1.siyaasada

2.cimilada goobta dagaalka

3.deegaanka 

4.shakhsiyadda hogaamiyaha kaasoo horjeeda 

5.hannaanka iyo anshaxa.


•MOWDUUCYO HORE


*macnaha magacyada magaalooyinka soomaalidu


*Taariikhda xaqul ciidka


*Waamaxay xikmadu?


-hogaamiyuhu waa in uu ku astaysnaadaa tilmaamo door ah oo aykamidyihiin 

1.udul'lahaanshaha natiijada howlgalkaaga 

2.isgaro markaad naftaada qiimaynayso karunsheeg

3.cidda aad utaliso tusaale toolmoon u'ahow 

4.horumari kartida guutadaada 

5.badhaadhohooda katali

6.howshaada gudo


-si'aad usaadaaliso labo geesh oo gorada isdaray kooda guusha gudoonsanaya iyo kaloogabogabaynayo waa inaad kafiirisaa todobadan qodob kadibna aad isbarbardhigtaa 

1.labada hogaamiye midkeebaa kudhagan anshaxa colaadda?

2.labada taliye midkeebaa karti iyo maarayn badan?

3.labada taliye midkeebay lajiraan jawiga iyo deegaanku?

4.labada ciidan midkeebaa anshaxa dagaalka fulin og?

5.labada ciidan midkeebaa cudud iyo hub iyo hantiba kugacan sareeya?

6.labada ciidan midkeebay saraakiishiisu aad utababaranyihiin una diyaarsanyihiin?

7.labada ciidan midkeebaa joogtayn og hannaanka ciqaabista iyo abaalmarinta askarta?


-natiijada isbarbardhigaaga ayaa lagu saasaalinkaraa ciidanka caydha iyo ceebta lahuleelaya iyo geesh guusha iyo gacan saraynta lagabal dhacsanaya 


-iyada oo loo eegayo duruufaha hadba sida ay u gadgaddoomayaan waa in uu jananku qorshayaashiisa hadba dhinac u gadiyaa taasina waxay kalifaysaa inta aan qorshaha hore lagu dhaqaaqin bilaaba haduu hirgaliwaayo in qorshihii badali lahaa uu miiska sii saarnaado 

-waxkastoo kulugleh dagaal iyo colaadi waxay kudhisanyihiin xeelad (nabigeenu(scw) wuxuu yidhi"dagaalku waa xeelad")

-sidaa awgeed markaynu duuli rabno waa in uu cadawgu dareemaa in aynu habacsan nahay marka aynu ciidanka dagaal galinayno waa in uu nacabku Ina moodaa in aynaan far dhaqaajinayn marka aynu ka agdhawaano waa in uu Ina moodaa in aynu maalin socod ujirno kolka aan kafognahayna waa in uu ismoodsiiyaa in aynu usoo dhawaanay 

-hadii uu colka cadawgu isdiyaariyo isku diyaari ladirirkiisa haddiise uu kaa abaabul roonaado ka gaagaabso.


Lasoco qaybta 2aad


Was page aad ka helaysid maqaallo Tayo leh

HADAAD KAHESHAY WEBSITE KEENNA SII FAAFI LINK GA WEBSITE KEENNA

Post a Comment

0 Comments