SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 3AAD!


 SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 3AAD!


𝐐𝐀𝐓𝐁𝐓𝐈𝐈 3𝒂𝒂d

Cutubkii sadexaad

Waa qaybtii 3aad maqaaladaan kusoo koobaynay dhiganaha 𝐋𝐎𝐎𝐋𝐋𝐀𝐍






•wuxuu kuleeyahay 𝐬𝐮𝐧𝐓𝐳𝐮
-marka aynu u eegayno hindisaha dagaalka in aad qabsato waddanka cadaawuhu isaga oo dhisan way kaaga door ROON tahay in aad gacanta kudhigto isaga oo burburay.

-sidaa awgeed; in aad dullaan kasta libin kagaadhaa ma aha hogaaminta ugu WANAAGSAN ee in aad dagaal la'aan foolaadka colka cadaawaha jebiso ayaa ah hogaaminta ugu shidan

-Qaado xeerka odhanaya; waa in aadan go'doomin magaalo dhufaysyo adag leh mar hadii aanay Dani kubadin.

-jananka buuniga ahi waxa uu galin siiyaa colka cadaawuhu in uu u hogto dagaal la'aan, wuxuu furtaa bandarradooda go'doon la'aan, waxa uuna gacanta kudhigaa maamulkooda dhibaabe la'aan.

-ninka guulaystaa waa ka  sida dhammayska Tiran isu abaabula ee suga in uu cadawgiisa fursad aanu diyaarsanayn ku gaado

-xeerka dagaalka waa: hadii uu ciidankeenu colka cadaawaha toban laabkii yahay waa in aynnu go'doominnaa
-haddii uu Shan laabkii yahay waa in aynnu weerarnaa

-haddii uu laban laabkii yahay waa in aynnu colkeena u qaybinaa laba dhinac oo qolona ay dagaallanto qolada kalana kammiin ahaan looga dhigo

-waxaa jira Shan arimood oo guusha sees iyo saldhig u ah

1.ninka guulaystaa waa ka yaqaan Goorta uu dagaal galayo iyo Goorta uu gaagaabsanayo

2.ninka guulaystaa waa ka yaqaan sida taagdarrida iyo xoogganaantaba loo dagaallamo

3.ninka guulaystaa waa ka ciidankiisa oo dhan go'aan midaysan kudagaal galiya

4.ninka guulaystaa waa ka sida dhammayska Tiran isu abaabula ee suga in uu cadawgiisa fursad aanu diyaarsanayn ku gaado

5.ninka guulaystaa waa ka ciidan ahaan muggii u buuxa.


MAWDUUCYO HORE

-SADEX BOQOR OO LAYAABLEH! YAABKA YAABKII QAYBTII 2aad

-SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 2aad

-ROOTIILIHII RAFAADA! SHEEKO XIISO LEH

-HEESUHU MA XALAALBAA?


-haddii aad cadowgaaga iyo naftaadaba aqoon buuxda u leedahay, kama werweraysid boqol dagaal oo aad gali doonto natiijadooda.

-Haddii aad si wanaagsan naftaada u taqaanno balse aadan cadowgaaga aqoonin guushii aad gaadhaba guul darro ayaa kaaga danbaynaysa.

-Haddiise aadan cadowgaaga iyo naftaada midna aqoon, waa hubaal in dagaal kasta hilfaha laguu qaadayo oo aadan libin af saarayn.

-In aad cadowgaaga taqaannaa waxa ay ku bartaa sida aad isu difaacdo, in aad naftaada taqaanaa waxa ay ku bartaa sida aad u weerartanto, weerarkuna waa sirta difaaca, difaacuna waa qorshaha weerarka.


LASOCO QAYBTA XIGTA


Qaybhii hore si aad u akhrisatid toobo halkan 


Hadaad ka heshay website keena sii faafi link giisa 👇
ogaalka0.blogspot.com

https://www.facebook.com/OGAALKA17

Was page aad ka helaysid maqaallo Tayo leh


Post a Comment

0 Comments