SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 4AAD!

 SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 4AAD!


Waa qaybtii 4aad maqaaladaan kusoo koobaynay dhiganaha 𝐋𝐎𝐎𝐋𝐋𝐀𝐍






                            Cutubka 4:

                  Taatikada Xeeladaysan 


1. Dagaalyahannadii xariifiinta ahaa ee waayadi hore waxa ay iska ilaalin jireen wax kasta oo jab iyo liidnimo soo jiidaya, nacabkoodana kuma ay degdegi jirin iyaga aan ka helin fursad ay lix iyo laba isugu celiyaan oo madaxooda minjo ugu rogaan.


2.In aynnu jabka ka digtoonaanaa waa masuuliyad innaga tuurta i noo saaran, balse in aynnu cadowga guusha ka hantino nacabka laftiisa ayaa i noogu deeqaya oo waa gef yar oo uu galay oo aynnu ku gaadno oo kaga guulaysanno uun. 


3. Dagaalyahanka buuniga ahi waxa uu ka dabin dhawrtaa jabka isaga oo qarinaya dhaqdhaqaaqiisa iyo raadkiisaba, balse ma xaqiijin karo in uu cadowga ka guulaysanayo iyo in kale, waayo; cadawgu isaga ayaa isu kaa dhul dhigaya oo isu kaa jebinaya haddii uu gefo. 


4. Waad garan kartaa habka aad nacabkaaga ku muquuniso adiga oo aan ku qasbanayn in aad ku dhaqaaqdo oo muquuniso.


5. Ka digtoonaanta jabku waxa ay kaaga baahan tahay in aad ku dhegganaato raacitaanka taatikada difaaca, balse in aad jebin karto cadaawuhu waxa ay kaaga baahan tahay in and fursad is dhigasho ah ku gaaddo. 

Haddii aadan cadowgaaga muquunin karinna waa in aad difaac xooggan gashaa. 

In aad difaac gashaa waxa ay tibaaxaysaa in ay awooddaadu wiiqantay, halka uu weerarku qeexayo in aad adeegsatay awood dheeri ah. 


7.Jananka buuniga ku ah difaacu waxa uu ku dhuuntaa dhusinka arlada, halka jananka weerarka buuninimada u lihina uu sida hillaaca roobaad meesha uu u hanqaltaago ugu habsado. 


Sidaa awgeed; dhan haddii aynnu iska taagno waxa aynnu awoodaynaa in aynnu isu badnaano oo is ilaalino, dhanka kale haddii aynnu ka eegnana waxa aynnu ka dhabayn karnaa guul aan dhinnaansho iyo dhantaalnaan midna lahayn, 


8. In aad dheehato guusha marka uu qofka shacabka ahiba arkayaa ma aha indheergaradnimada ugu sidata ee in aad aragto biqilku inta aanu dhulka ka soo foocin oo aad suuradiso aayaha iyo waxa ahaan doona ayaa ah indheergaradnimo. 


9. Ma aha indheergaradnimadu in aad ku duusho oo qabsato nacabkaaga, ka dibna ay dawladda oo dhammi ku tidhaahdo: "nin labeed iyo inangoogaar" ee raganimada ugu sarraysaa wan in aad si dhammaystiran oo dhakhso ah wax u qor shayso si feejiganna u duusho shaxda cadawgaagana ka hor dagto oo aad kashifto dagaalkana aad ku guulaysato adiga oo aan dhiigba daadin


10. In aad tin dhulka taalla kor u rujisaa ma aha awood badnaan. In aad onkodka roobka maqashaa ma aha dhego nuglaan. In aad dayaxa iyo cadceedda dheehataana ma aha indho fiiqnaan. 


•Maqaallo hore

✓SOO KOOBIDA BUUGGA "LOOLLAN" QAYBTII 1AAD

✓SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 2aad

✓SOO KOOBIDA BUUGA LOOLAN QAYBTII 3AAD!



11.Ninka ay dadkii hore u yaqaaneen guulwadaha xariifka ahi ma aha ka libinta hela uun, ee waa ninka sida sahlan ee raganimada leh guusha uga dhabeeya, Ninka meel dhow wax ka dhugtaa si dhib leh ayuu guusha ku hantiyaa, ninka isha dheerina si fudud ayuu libinta ugu geeraaraa. 


12. Guuliba guusha ay uga danbayso waxa ay janankaas u soo jiidaysaa sumacad iyo karaamo uu ka dhaxlayo murtida uu u adeegsaday libintaas iyo sidoo kale qadderin lagu qiimeeyo go'aankiisa iyo geesinimadiisa. 


13. Waxa uu libinta gaadhayaa isaga oo aan wax gef ah gelin, gef ka dhawrsanaantuna waa tiirka ugu horreeya ee xaqiijiya guusha, taas oo aad ka taransanayso in aad qabsato cadaawe hore u jabay. 


Mar kasta oo aad gefka ka gaaf wareegtaana waa mar kasta oo aad libinta ku geeraarto. 


14. Dagaalyahanka khabiirka ahi waxa uu ku gabbadaa. gabbaadka uu hubiyay in aanay guul darro ku haleelayn,


Si aad u akhrisatid qaybihii hore TAABO HALKAN


Hadaad ka heshay sii faafi link website keena 👇

           https://ogaalka0.blogspot.com/


Waa page aad ka helaysid maqaallo Tayo leh👇


        https://www.facebook.com/OGAALKA17


Post a Comment

0 Comments